LATEST ARTICLE

6/recent/ticker-posts

What causes poor vision?

 Aragga indhaha oo daciifa waxaa lagu garan karaa calaamado kala duwan. Haddii aad isku aragto calaamadaha soo socda, waxaa wanaagsan inaad la xiriirto takhtar indhaha:


1. Arag xumo marka aad wax fog ama dhow fiirineyso:Aragga waxyaabaha fog (myopia) ama waxyaabaha dhow (hyperopia) oo sii daciifa waxaad arkeysaa araga dhaw qof uu dhibayo oo waxa ay aqrinsyaan cabaar iska fogeynaga sidas si lamid ahna kan araga fog dhibayana wixii buu aad iskugu soo dhaweynayaa waana calaamad weyn oo lagu garan karo.




2. Arag mugdi ama caad qaadid la’aan:      Waxay noqon kartaa inaad ku aragto mugdi ama shayada oo isku dhex milmaan inta badan waxaa lagu arka dadka da'da noqda oo sababto ah indhaha ayaa caadka fuula waana waxa looyaqaano indha fiiq.




3. Madax xanuun joogto ah:

Haddii aad madax xanuun dareemeyso marka aad wax akhrinayso ama shaashad u dhow ka shaqeyneysid oo aad dareemeysid in iftiinku ku dhibayo iyaduna waa sabab kle.




4. Indhaha oo daal badan dareema:

Indhaha oo si degdeg ah u daalaya kadib marka aad muddo kooban wax fiirisid iyo sidokle iney ku balbalayaan oo ay ilmeynayaan




5. Ilmo iyo dareen qaleyl ah oo indhaha ah:

Indhaha oo ilmo baxa ama wax aad u qalalan noqdaan 




6. Aragga habeenkii oo xumaada:

Dhib ku ah inaad habeenkii wax aragto, gaar ahaan marka aad waddo ku socoto sida inaad arki weydo meel qodan, dhagax ama geed hortaa yaala oo aad arki weydo iwm.




7. Indhaha oo sii madoobaada (blurred vision):

Waxyaabaha agtaada ku dhow ama fog oo muuqaal aan caddayn kuu noqda tusaalle waxaa hortaada jooga qof dumar ah inaad codka maqasho mooyee mugdi baa kaaga jira oo masixi kartid qofkaas rag iyo dumar kuu yahay.




8. Dhibaatada akhrinta qoraallada yar-yar:

Waxay calaamad u noqon kartaa in aad u baahan tahay muraayado indhaha caawiya (glasses).




9. Indhaha oo xanuun ama cadaadis dareemo:


Waxaa laga yaabaa inay calaamad ka tahay arag daciif ah ama cudur indhaha ah waxad dareentaa mararka qaar in indhaha ey  cadaadis xoogan ku saaraan taas oo keeneysa in aad awoodi weydo xitaa inad isku qabato oo aadba moodo iney is gaareynin





Haddii calaamadahan ay ku hayaan, waa muhiim in baaritaan indhaha ah aad samaysato si loo ogaado sababta iyo in xal la helo fadlan ha is dhayalsan wayo caafimadkaga waa kuu muhiin inta aad xayiga tahay ayad tahay qof la jecelyahay.



Post a Comment

0 Comments